Dagaalo maanta ka dhacay Kismaayo

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan dagaallo maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Ugu yaraan sideed qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalka in ka badan tiradaasna waa ay ku dhaawacmeen sida ay lee yihiin dadka ku sugan magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu billowday markii maleeshiyo gadoodsan ay weerar ku qaadeen saldhiga magaalada oo ku yaalla xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo halkaas oo ku xirnaa nin iyaga ka tirsan.

Dagaalka oo dhowr saacadood socday ayaa la sheegay in maleeshiyada soo weerarrtay ay qabsadeen saldhiga magaalada isla markaana ay sii daayeen dad ku xirnaa.

Inta uu socday dagaalka waxaa la jaray is-gaarsiinta magalada waxaana istaagay iskus socodka dadka iyo gaadidka magaalada oo dhan.

Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay in ay ka wada tirsan yihiin kuwa maamula magaalada.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gacanta ku haya magaalada, in kastoo la soo sheegayo in xubni ka tirsan maamulka Kismaayo ay kulan degdeg ah ka yeelanaya dagaalka, iyagoo isku dayaya inaysan xaaladdu mar kale faraha ka bixin.

Dhinaca kale,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa baaq u diray dhinacyada ku dagaallamay kismaayo.

Saacid wuxuu yiri “Waxaa aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in ay maamul sameystaan”

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay iyadoo dib loo dhigay shirweyne ka furmi lahaa Kismaayo oo lagu waday in lagu dhiso maamul loo sameeyo gobollada Jubbooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here