Dagaalo laba waji leh oo ka socdo deegaanada loo barakacay iyo Gaadiidki ka imaan jiray Afgooye oo istaagay

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya oo saf ah iyo Al Shabaab ayaa haatan ka soconayo deegaanka Km-13 iyo wadada dhanka waqooyi ka marto deegaanka Ceelasha Biyaha ee aada Afgooye.

Dagaalada oo si weyn loogaga maqlayo duleedka koonfureed ee Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu aad u xooganyahay kan ka socda jidka ka baxo Deyniile ee carriga ah isla markaana aada Afgooye.

Wariyaal haatan ku sugan deegaanka taree Dishe ama KM-13 ayaa soo sheegaya in dagaalka uu wali socdo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladana ay kusii siqayaan aagaasi.

Wali ma cada qasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoo laga cabsi qabo in dad badani ku dhintaan sababtoo ah dhulkaasi ayaa ah banaan.

Dhanka kale waxaa xirantay wadada laamiga ah ee isku xirto Muqdisho iyo Afgooye, mana jiraan baabuur halkaasi mari karto sababo la xiriira dagaalka oo halkaasi si aad ah uga socda.

Wixi kusoo kordha dib uga dheeho Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.