Dagaalo la isu jilba jabsaday oo ka dhacay Jubada Hoose

Dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab ayaa laba jeer oo kala duwan maanta ka dhacay gobolka Jubada Hoose.

Dagaalada oo ka dhacay inta u dhaxeyso deegaanada Qooqaani iyo Taabta oo ka wada tirsan degmada Afmadow ayaa ka danbeeyey marki ay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab wadada u galeen kolonyo ciidamo Kenyan iyo Soomaali ah.

Sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada dowlada, dagaalada ayaa laba jeer kala dhacay, kii hore wuxuu dhacay saakay, halka dagaalka labaadna uu bilowday galabta 3:00, waxaana ay sababeen qasaaro nafeed oo soo kala gaaray labada dhinac.

C/salaan Xasan Cabdi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Jubada Hoose ayaa sheegay in ay ka dileen Al Shabaab ilaa iyo shan dagaalyahan, waxa kale oo uu sheegay in dhankooda uu ka dhintay hal askari.

Dagaal mar labaad dhexmaray labada dhinac ayaa  la sheegayaa in uu ka qasaara badnaa kii hore, hase yeeshee lama oga tirada ku dhimatay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab, hase yeeshee dagaaladaan ayaa ka mid ah weerarada ku dhifoo ka dhaqaaqda ah ee Shabaabka ku qaadaan fariisimaha ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.