Dagaalo ka socda inta u dhaxeyso Afgooye iyo Awdheeegley

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki ciidamada dowlada ay isku fidiyeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana meelaha ay haatan kula dagaalamayaan Al Shabaab ka mid ah inta u dhaxeyso Afgooye iyo degmada Aw-Dheegl.

Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose, C/qadir Maxamed Nur ayaa sheegay in ay eryeen Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay, iminkana uu socdo howlgalo ay ku qabsanayaan deegaano kale.

“Waxaa socda howlgalo oo ka socdo inta u dhaxeyso Afgooye iyo Awdheegle oo ay isla fulinayaan AMISOM iyo ciidamada dowlada, marka howlgalka wali waa socdaa, Muunyo, Cabdi Dibile, Bariire, Baladil Amiin ilaa laga gaaro dhulka u dhaw Awdheegle ayaan hada isku fidinay,”

Ma cada qasaaraha dagaaladaasi, balse waxa soo baxaya warar sheegaya inuu jiro qasaaro.

Wixi kusoo kordha dib kala soco Midnimo.com