Dagaalo ka dhacay inta u dhaxeysa Kulbiyow iyo Badhaadhe ee Jubada Hoose

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee ka midka ah AMISOM iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Badhaadhe iyo Kulbiyow ee Jubada Hoose, halkaasoo labada dhinac ay isku fara saareen dagaal muddo socday.

Wararka laga helayo deegaanadaas ayaa sheegaya in dagaalada ay yimaadeen markii Al-Shabaab ay wadada u gashay baabuur kolonyo ah oo ay la socdeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo ka soo baxay deegaanka Badhaadhe.

Dagaalka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhaliyay qasaare soo kala gaaray labada dhinac, waxaana Afhayeen u hadlay Shabaab uu sheegay inay gubeen gaadiid ayna dileen askar badan.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay warbaahinta in weerarka lagu soo qaaday uu ahaa mid xoogan, balse ay iska daafaceen, isla markaana ay ku dileen tiro dagaalyahano ka tirsan Shabaab

Maleeshiyada Al-Shabaab oo lumiyay magaalooyin badan ayaa howl galadooda u bedelay ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana dhowaanahay ay kordhiyeen weeraro ay ku qaadayaan Ciidamada huwanta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here