Dagaalo ka dhacay G.bakool

AMISOM AfgooyeWararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool, gaar ahaan waajid, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Ciidamada is garabsanaya iyo kuwa Ala-shabaab uu halkaas dagaal culus ku dhexmaray.

Dagaalkan oo dhacay shalay gelinkii dambe aya lagu soo waramayaa inuu ka dhacay tuulada Baar oo hoos timaada degmada Waajid ka dib markii ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ay qaadeen hawlgal ka dhan ah ururka Al Shabaab oo la sheegay in ay waddooyinka ka xireen degmada Waajid taasina ay keentay in badeecadihii ganaciga iyo gaadiidka ay soo geli waayaan degmada.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in la isku adeegsaday hubka culus, waxaana maamulka gobolka Bakool saraakiil u hadashay ay sheegeen inay la wareegeen tuulada Baar ayna burburiyeen saldhigyo ay Al Shabaab halkaasi ku lahaayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here