Dagaalo ka dhacay Duleedka Dhoobleey

Wararka naga soo gaaraya degmada Dhoobleey ayaa sheegaya ciidamada Kenya iyo ururka Al Shabaab ku dagaalameen duleedka degmadaasi.

Dagaalka oo ka dhacay wado ay inta badan adeegsadaan ciidamada Kenyanka ayaa ka danbeeyey marki ay dagaalyahano ka tirsan Al Shabab wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Kenya.

Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka oo dhacay barqadi maanta, waxaase marki danbe ay u u suura gashay ciidamada Kenya ay si xoog ah ku maraan wadada oo ah wado ka caagan dadka rayidka ah.

Al Shabab ayaa dagaalo ku dhifoo ka dhaqaaq ah ka geysta fariisimaha ay ciidamada Kenya ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa soo galay dalka Soomaaliya bishi October kadib marki ay dowlada Kenya ku eedeysay Al Shabab in ay falal isugu jira afduub iyo dilal ka geystay gudaha Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.