Dagaalo ka dhacay duleedka Afmadow

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaalo culusi ay maanta ka dhaceen duleedka degmada Afmadow.

Saraakiisha ciidanka dowlada ayaa sheegay in ay weerareen xarun ay Al Shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Afmadow oo ay doonayeen in ay iska soo abaabulaan kadibna soo weeraraan deegaanka.

G/sare C/laahi Cabdi ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen shan ka mid ah ciidanka Al Shabaab, isla markaana gacanta ku dhigeen mid kale.

Wali wax war ah kama aysan soo saarin Al Shabaab dagaalkaasi oo marki danbana u biyo shubtay in ciidamada dowlad ay ku laabtaan Afmadow.

Mr. Cabdi ayaa sheegay in noloshada magaalada ay kasoo rayneyso dadkuna ay bilaabayaan in ay kobciyaan ganacsiga, laakin waxa uu leeyahay waxaa jirta xaalado adag oo xaga nolosha ah.

“Waxaad moodaa dadka in ay tabaaleysanyihiin marka gargaar ayey rabaan dadka, hada waxay heystaan nabad marka Hey’adaha samafalka waxaan ka codsaneynaa in ay halkaan yimaadaan,”

Afmadow ayaa waxaa qabsaday ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Kenya kadib dagaalo ay la galeen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.