Dagaalo ka dhacay degmada Badhaadhe

Wararka naga soo gaaraya magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay duleedka Badhaadhe ku lahaayeen ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya sida ay saraakiisha xaqiijiyeen.

Carab Axmed Cali oo ka mid ah saraakiisha dowlada ee halkaasi ku sugan ayaa sheegay in ay iska caabiyeen kooxihi soo weeraray.

“Sida ay maqasheen dagaalka wuxuu ka dhacay degmada Badhaadhe meel agteeda ah xalay maqribki, way ku jabeen al Shabaab waxaana ka soo gaaray qasaaro xoog leh, dhankeena wax dhib ah ma jirto,”

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan dagaaladaasi ka dhacay degmada Badhaadhe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.