Dagaalo ka dhacay degmada Badhaadhe kadib markii ciidamada Alshabaab weerareen

Dagaalo culus ayaa waxay  xalay ka dhaceen  degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dagaaladu ay soo qaadeen    Al Shabaab.

Wararka laga hellaayo Degmada Badhaadhe ayaa waxay sheegayaan in Xoogaga Shabaab ay dagaaladoodu xoogga ku saarayaan fariisimaha ay Ciidamadda Dowladda Kenya ku lee-yihiin Degmada Badhaadhe.

Jugta culus ee hubka ayaa waxaa caawa si weyn looga maqlaayaa Degmada Badhaadhe, waxaana sawaxanka hubka cul culus caawa mar laga tabiyay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaaladu ay u muuqdaan kuwo geysanaaya khasaarooyin soo kala gaaraaya labada dhinac, inkastoo aanu weli la-kala cadeyn karin baaxadda khasaaraha ay geysanayaan dagaalada inta ay la’eg yihiin, maadaama ay dagaaladu weli sii soconayaan.