Dagaalo ka dhacay deegaan ku dhow Balcad

4DD1D32B-79AE-4DF5-8D50-E898A2663B9D_w443_r1_cy6_cw99Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen dagaalo xaley iyo saakay ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo shacab hubeysan.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada dowladda ay xaley weerar ku qaadeen beero ku yaalla deeganka Yaaq oo u dhowr KM u jira Balcad, sida ay sheegayaan dadka deeganka.

Lama oga sababta rasmi ah ee dagaalkan dhalisay, balse maalmahan waxaa socday ololayaal uu maamulku kaga dalbanayay beeraleyda degmada inay bixiyaan canshuuraha looga baahan yahay, taasoo beeraleydu ay dhowr jeer diideen.

Horey ayaa gobalka Shabeellaha Dhexe waxaa ka dhacay dagaalo beeleedyo kuwaas geestay khasaaro xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here