Dagaalo iyo duqeymo ka dhacay Ceelwaaq iyo Buusaar

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay iyo saakay ay dagaalo ku dhexmareen ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay degmada Ceelwaaq kadib marki ay Al Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada Kenya ku lahaayeen halkaasi, waxaana dagaalkaasi oo bilowday xalay goorihi danbe uu soo gaaray saakay aroorti.

Saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Ceelwaaq ayaa sheegay in ay iska difaaceen waxa ay ku tilmaameen kooxo soo weeraray, waxay intaasi raaciyeen inuu jiro qasaaro soo kala gaaray labada dhinac laakin maysan sheegin tirada dhimatay.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa madaafiic ku weerartay saldhig ay ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada ku leeyihiin deegaanka Buusaar, ciidamada Kenya ayaa iyana ku jawaabay madaafiic.

Al Shabaab ayaa tan iyo marki ay ciidamada Kenya ku lumiyeen deegaano ka tirsan gobolada Jubooyinka iyo Gedo bilaabay dagaalo ku dhifoo ka dhaqaaq ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.