Dagaalo goos goos ah oo saakay ka socda degmada Ceelwaaq

Sadex ruux ayaa ku dhaawacantay dagaalo goos goos ah oo saakay ka socda degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dagaalada oo bilowday shalay gelinki danbe ayaa u dhaxeeya ciidamada Kenya oo kaashanaya kuwa dowlada KMG Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa saakay laga maqlay duleedka magaalada.

Goobjoogayaal ayaa arkay dad dhaawac ah oo loo sii wado xarumaha caafimaadka ee degmada oo ay gacanta ku heyso dowlada KMG Soomaaliya, waxa kale oo aad kacsan xaalada guud ee deegaanka.

Waxaa wali go,an isgaarsiinta iyadoo sida kaliyah ee xog loogaga heli karo ay tahay dadka kasoo baxay deegaanka ee gaaray deegaanada u dhaw dhaw Ceelwaaq.

Al Shabab ayaa maalmahan weeraro ku qaadayey fariisimaha ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ka joogaan gobolka Gedo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.