Dagaalo culus oo xalay ka dhacay deegaanada Qooqaani iyo Taabta

Dagaalo u dhaxeeyey ciidamada Kenya iyo kuwa Al Shabab ayaa xalay ka dhacay deegaanada Taabta iyo Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.

Sida ay wararku sheegayaan, dagaalada waxaa xalay la socday duqeymo ay dhinacyada iska soo horjeeday is weydaarsanayeen kuwaasi oo lasoo sheegayo in ay dhaliyeen qasaaro nafeed.

Dagaalada waxay ka danbeeyeen kagadaal marki Al shabab ay weerar ku qaadeen fariisimaha ay ciidanka Kenya iyo kuwa dowlada ku leeyihiin deegaanadaasi oo ah kuwa ugu badan oo ay joogaan ciidamada Kenya.

Wali si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay laakin ilo wareedyo madax banaan ayaa inoo sheegay in ay ku dhinteen 5 ruux oo ahaa dhinacyadi dagaalamay.

Deegaanada Qooqaani iyo Taabta ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.