Dagaalo culus oo ka dhacay gobolka Gedo

Dagaalo ayaa shalay meelo ka duwan oo gobolka Gedo ah ku dhexmaray ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab.

Dagaalada ayaa ka ka dhacay sadex meel oo ay ka mid ahaayeen inta u dhaxeyso Faafaxdhuun iyo Girileey iyo jidka isku xira Buusaar iyo Baardheere sida uu sheegay afhayeenka ciidamada dowlada ee gobolka Gedo G/sare Warfaa Sheekh Aadan.

Sarkaalkan ayaa ku adkeystey in ay guulo ka geereen dagaalada kadib marki ay Al Shabaab weerar kusoo qaadeen xilli ay halkaasi marayeyeen, isaga oo guulo ka sheegtay dagaaladada.

Mr. Warfaa ayaa tilmaamay in ay ka dileen Al Shabaab 11 ruux halka dhankoodana uu sheegay in ay kaga dhaawacmeen sadex askari sida uu isaga sheegtay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan dagaaladi cuslaa ee shalay galab ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Gobolka Gedo ayaa intiisa badan waxaa heysta dowlada KMG marka laga reebo labada degmo ee kala ah Baardheere iyo Buurdhuubo oo ay maamulaan Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.