Dagaalo culus oo caawa ka dhacay degmada Kaaraan

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo Xarakada Al Shabab ayaa caawa ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo dhacay fiidki caawa ayaa ka danbeeyey marki ay Al Shabab weerar culus ku qaadeen fariisinka ciidanka dowlada ay ku leeyihiin duleedka Isbitaalka Keeysaneey ee magaalada Muqdisho.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, hase yeeshee dagaalka ayaa lagu sheegay mid aad u kululaa iyadoo la isu adeegsaday hub culus.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Kaaraan, C/qadir Axmed Maxamed oo caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalki caawa ay ku laayeen wax uu ku tilmaamay dhalinyaro u dagaalameysay Al Shababki horay uga talin jiray degmada.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabab oo ku aadan dagaalki caawa ka dhacay Kaaraan.

Wixii warar soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com