Dagaalo ay ku dhinteen ku dhawaad 40 ruux oo ka dhacay duleedka Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalo culus ay saacadi lasoo dhaafay ka dhaceen meel 40-km u jirto magaalada.

Dagaalada oo dhexmaray Al Shabaab iyo ciidamada maamulka Puntland ayaa bilowday xalay kadib marki ay maleeshiyada dhawaan la midoobay Al Shabaab ee xaruntoodu tahay buuraha Galgala ay weerareen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland.

Afhayeenka Al Shabaab, C/casiis Abu Muscab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in qasaaro xoog leh gaarsiiyeen ciidamo gurmad ah oo baacsanayey maleeshiyadooda, isaga oo intaasi ku daray in ay wadada ugu aaseen miino.

Wuxuu sheegtay in ay ka dileen ciidamada Puntland ilaa iyo 35 askari, halka dhankoodana uu tilmaamay in ay kaga dhinteen dagaalka 3 dagaalayan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Puntland oo ku aadan dagaalada, sidoo kale ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya tirada dhabta ah ee ku dhimatay dagaalkaasi.

Waa dagaalki ugu horeeyey ee ay Al Shabaab ku qaado ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Bari, tan iyo marki ay todobaadki hore la midoowday maleeshiyadi la oran jiray dagaalyanada Galgalada ee hogaamin jiray Sheekh Atam.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.