Dagaallo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab Gedo ku dhexmaray

Wararka naga soo gaarayo gobalka Gedo ayaa sheegaya in magaalada Garbahaarey uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo dhinac ah iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegan lagu magacaabo Birta-dheer oo magalaada Garbahaarey u jirta 20 KM.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay deegaanka Birta-Dheer oo 15 kilo mitir u jira magaalada Garbahaarrey ee xarunta gobolka Gedo.

Sida uu VOA u sheegay guddoomiyaha gobalka Gedo Maxamed Khaliif Kaliil dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay 3 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda waxaana ku dhintay 5 ka tirsan xoogagga Alshabaab, sida uu Guddoomiyuhu carabka ku dhuftay.

Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa iyaguna guul ka sheegtay dagaalka, waxayna ku sheegeen war ay soo saareen in askar badan ay ka dileen ciidanka dowladda, dibna u caabbiyeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here