Dagaalki ugu horeeyey ee Shabab iyo ciidanka dowlada ku dhexmara Bakool oo xalay dhacay

Iyadoo gobolada Gedo, Jubada Hoose iyo Hiiraan ay ka socdaan howlgalo ay ciidanka dowlada, iyo dowladaha Kenya iyo Itoobya kula dagaalamayaan Al Shabab, ayaa xalay ciidanka dowlada waxay dagaal uga fureen Shabaabka dhanka Bakool.

Dagaal xoog leh ayaa ka dhacay deegaanka Keesoow oo ka tirsan gobolka Bakool kaasi oo ay fariisin ku leeyihiin Xarakada AL Shabab.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo ay qaadeen ciidanka dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay ilaa iyo 4 ka mid ah dagaalyahanada Al Shabab, halka dhanka dowladana la sheegayo in uu jiro qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegtay in ay ka qabsadeen Al Shabaab deegaanka Keesoow, isaga oo intaasi ku daray in  ujeedadoodu ay tahay sidi ay gacanta ugu dhihi lahaayeen dhamaan gobolka Bakool.

Horaanti bishaan ayaa waxaa qeybo ka mid ah gobolka Bakool soo galay ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo ku sugan hada xadka uu Bakool la wadaago dalka Itoobiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.