Dagaaladi duleedka Muqdisho oo la isula gabal dhacsaday

Dagaaladi maanta oo dhan ka socday deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa soo gaaray maqribnimadaan caawa ah kadib marki ciidamada dowlada iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al Shababab dhinac kale ah isula gabal dhacsadeen.

Taliyaha gaaska koowaad ee ciidamada dowlada, C/laahi Cali Caanood ayaa sheegay in ay qabsadeen deegaanada Garasbaaleey iyo Tareedishe oo aad ugu dhaw deegaanka Ceelasha Biyaha.

Al Shabaab ayaa afhayeen u hadlay wuxuu sheegay in ciidamadi soo weeraray ay ku qasbeen in ay dib ugu celiyaan degamada Daayniile oo dagaalka xoogiisu ka dhacay barqadi maanta gaar ahaan garoonka diyaaradaha.

Waxaa haatan oo ah fiid la maqlayaa madaafiic ay tuurayaan ciidamada AMISOM kuwaasi oo ku dhaceysa aagaga ay rasaasta kasoo tuurayaan xoogaga Al Shabaab, iyadoo xaalada ay u muuqato in ay yara ka qabowdahay sidi maanta.

Barakac ayaa ka bilowday deegaanada Ceelasha Biyaha, Carbiska iyo Lafoole halkaas oo ay ka cararayaan qoysaski ugu danbeeyey ee ku haray kuwaasi oo ka baqaya in dagaalka uu soo gaaro xaafadahooda.

Abaanduulaha ciidamada dowlada KMG Soomaaliya, iyo saraakiisha AMISOM ayaa labaduba xaqiijiyey in ay ku wajahanyihiin degmada Afgooye oo uu bartilmaameedkoodu yahay.

Dagaalki maanta ayaa waxaa ku dhintay 12 ruux oo ah dhinacyadi dagaalamay, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo uu ku jiro sawir qaade ka tirsan TV-ga Royal ee xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.