Dagaal xoogan oo Xalay ka Dhacay Deegaanka Qaw ee Gobolka Bari

Wararka aan ka heleyno deegaanka Qaw ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo ka dhacay deegaankaasi, kaasoo u dhexeeyay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab iyo ciidamada amaanka Puntland.

Dagaalka ayaa la soo wariyay inuu bilowday marki ay dagaalyahano ka tirsan Alshabaab weerar ku soo qaadeen deegaanka Qaw ee Gobolka Bari, waxaana deegaankan uu qiyaastii 30km u jira xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu sababay khasaaro badan, kaasoo soo kala gaaray dhinacyadii hardamay, waxaana dhimasho la xaqiijiyay 2 qof.

Xaalada deegaanka Qaw ayaa dagan, walina ma jiraan cid ka hadashay dagaalkii xalay ka dhacay halkaasi ha ahaato alshabaab ama maamulka Puntland Somalia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here