Dagaal xoogan oo maanta ka dhacay duleedka Badhaadhe

Wararka naga soo gaaraya gobolka J/hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya iyo Al Shabaab ay maanta isku fara saareen deegaan u dhaxeeya Badhaadhe iyo tuulada Kulbiyoow.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidanka Kenya, halkaas oo uu ka dhacay dagaal faraha loogaga gubtay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 10 ruux oo labada dhinac ah halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Shabaab iyo ciidamada Kenya, waxaase goobaha lagu dagaalamay oo ah howd iminka ku sugan ciidanka Kenya.

Waa dagaalki ugu qaraaraa ee agaasi dhawaanahaan ku dhex maraya Al Shabaab iyo ciidamada Kenaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com