Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Kismaayo iyo khasaaro ka dhashay

Wararka ka imaanaya Gobalka Jubadda Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo udhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen duleedka Degmada Kismaayo gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Yoontoy oo ka tirsan Gobalkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa lasoo warinayaa in ciidamada Dowladda Soomaaliya halkaasi uu kasoo gaaray khasaaro kala duwan labada dhinac ah waxaana lasoo sheegayaa in hada xaalada ay tahay mid degan.

10-kamid ah dhinacyada dagalmaay ayaa lasoo sheegayaa inay halkaasi ku geeriyoodeen halka sidoo kale dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Wararka ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan iyadoona labada dhinac lasoo warinayo inay isugu jiraan hub uruursi xoogan.

Deegaanka Dagaalka uu ka dhacay ayaa waxa ay tahay duleedka Degmada Kimsyaao ee Gobalka Jubadda Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here