Dagaal xoogan oo ka dhacay degmada Maxaas

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu dagaal qaraar ku dhex maray degmada Maxaas Al Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo kaashana ciidamada dowlada.

Dagaalka oo socday mudo saacado ah ayaa ka danbeeyey marki ay Al Shabaab weerar ku qaaday fariisimo ay dhawaan Ahlu Sunna halkaasi ka sameysteen sida ay wararku sheegayaan.

Inta la ogyahay 8 ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyootay dagaalka, halka uu jiro dhaawaacyo intaasi ka badan oo isugu jira rayid iyo dhinacyadi dagaalamay.

Abaanduulaha ciidanka dowlada KMG Soomaaliya, C/kariim Dhagabadan ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay qabsadeen deegaanka Maxaas, isaga oo intaasi ku daray in Al Shabaab loogaga dilay goobta tiro askar ah.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku saabsan dagaalka, waxaana wali la sheegayaa in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto goobta lagu dagaalamay.

Degmada Maxaas ayaa ah deegaan muhiim ah maadaama uu isku xiro gobolada Hiiraan iyo Galguduud.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.