Dagaal xoog leh oo iminka ka socdo Afmadoow

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya oo isku saf ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa saakay ka soconaya meel wax yar u jirta magaalada Afmadoow ee gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa bilowday marki ay Al Shabaab weerar ku qaadeen ciidamada is garabsanaya oo usoo socday Afmadoowe kadib marki ay xalay soo qabsadeen deegaanka Xaya oo 30-km dhanka koonfureed kaga beegan Afmadoow.

Dakda reer Afmadow oo u badan xoola dhaqato ayaa ka walaacsan dagaalka kusoo dhawaanaya, waxaana qaarkood oo aan la xiriirnay ay inoo sheegeen in ay aad u maqlayaan madaafiicda.

Nin ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegaya in dadka ay ka baqayaan in dagaalka uu saameeyo.

“Magaalada saakay way ka kacsantahay waxa uu dagaal ka socdaa meel u dhaxeyso Xayo iyo Afmadow ayuu dagaal xoogan ka socdaa, dadku way baqayaan oo waxay dhagaha u taagayaan maxaa soo bixi doona, ilaa iyo hada ma jirto wax wiifta ah oo magaalada soo gaaraya laakin waanu maqleynaa,” ayuu yiri.

Ciidamada Kenya waxay sheegeen in haatan ay qarka u saaranyihiin magaaladi labaad ee ugu weyned ee ay Al Shabaab ka joogaan Jubada Hoose.

Taliyaha hogaaminaya ciidamada Kenyanka Julius Karangi, ayaa sheegay ay filayaan in ay guulo ka keenaan dagaalada ay haatan ka bilaabeen Jubada Hoose.

Al Shabab ayaa iyaguna sheegay in ay jabin doonaan ciidamada Kenya oo ay ku sifeeyeen kuwo aananba aqoonin sida loo dagaalamo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.