Dagaal xalayka dhacay duleedka Muqdisho

Dagaalo u dhaxeeyey ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay fariisinka ciidanka dowlada ee Xoosh iyo duleedka xerada Asluubta ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo dhacay xalay saqdi dhexe waxa uu ka danbeeyey marki ay Al Shabaab weerar ku qaadeen fariisimahaasi, waxaana labada dhinac ay is weydaarsadeen madaafiic.

Hal ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday marki uu madfac hoobiye ah oo ka yimid dhanka Al Shabaab ku habsaday guri ku yaala xaafada Xoosh sida ay xaqiijisay hooyada dhashay qofka dhintay oo aheyd gabadh.

“Madfac ayaa guriga oo shub ahaa noogu soo galay waxaan daganahay xaafada Xoosh, waxa igaga dhimatay gabar yar, waxaana haatan ma naqaano wax aan sameyno,” ayey tiri hooyadan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyadi dagaalamay oo ku aadan dagaalki xalay ka dhacay duleedka Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.