Dagaal xalay ka dhacay Shabeelada Hoose

Dagaal-maanta21Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS iyo kuwa Al-shabaab, ayaa xalay ka dhacay deegaano katirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa Deegaanka Janaale iyo Owdheegle,gaar ahaan Deegaanka Mubaarag oo Fariisin Ciidanka Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka uu yimid ka dib markii Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-shabaab ay Weerareen Ciidamada Dowladda Soomaaliya,ayadoona Labada Dhinac uu Dhex maray Dagaal Culus.

Dagaalka ayaa waxaa ku Geeriyooday 4 Ruux,ayadoona ay ku dhaawacmeen in kabadan 10 kale oo Iskugu jira Ciidamada Dowladda Al-shabaab iyo Dad Shacab ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadii Dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Deegaanka Mubaarag ee Gobolka Shabellaha Hoose ay iskaga baxeen oo ay gaareen Deegaanka Janaale ee Isla Gobolka Shabellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here