Dagaal xalay ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo

Inta la ogyahay lix ruux ayaa ku geeriyootay 12 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib dagaal xalay ka dhacay bartamaha Koonfurta Gaalkacyo.

Dagaalka oo u dhaxeeyey maleeshiyo hubeysan iyo ciidamada maamulka Galmudug ayaa dhacay xalay habeen barki marki maleeshiyada ay weerartay bar ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka.

Wariyaasha ku sugan Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in dadka dhintay ay ku koobnaayeen dhinacyadi dagaalamay, iyadoo dhaawacyadana la dhigay isbitaalka Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo hada lagu daweynayo.

Ma cada sababaha ka danbeeya weerarka, hase yeeshee waxaa loo maleynayaa in dagaalka uu ku lug leeyahay muranka siyaasadeed u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Mudug iyo baarlamaanka oo isku dhacsan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.