Dagaal xalay ka dhacay Garbahaareey

Laba ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen dagaal xalay Al Shabab iyo ciidanka Dowlada ku dhexmaray magaalada Garbahaareey.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka danbeeyey marki ay dagaalyahano ka tirsan Al Shabab ay gudaha usoo galeen Garbahaareey oo caasimad u ah gobolka Gedo xalay saqdi dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus oo ay ku wareereen sida uu u socday, inkastoo marki danbe ay xaalada caadi kusoo laabatay marki ay Shabaabka isaga baxeen halkaasi.

Saraakiisha Dowlada ee halkaasi ku sugan ayaa sheegay in ay iyaga ka saareen Al Shabab kadib dagaal culus, halka Al Shabab ay sheegayaan in ay iskood isaga soo baxeen marki ay qabsadeen kadib Garbahaareey.

Saakay ayaa waxaa ka jira halkaasi xaalad kacsanaan ah, iyadoo ciidamada Dowlada ay baarayaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan.

Dadka dhaawacmay waxaa la sheegay in guri ay ku jireen loogu riday bambo gacmeed, laakinse waxaanan wali xog dhab ah laga heyn qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here