Dagaal xalay ka dhacay duleedka Xudur

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Xudur.

Dagaalka ayaa bilowday xalay saqdi dhexe kadib marki ay dagaalyahano ka tirsan Al Shababaab weerareen fariisin ay ciidamada dowlada ku leeyihiin deegaanka Madax Waraabo oo 10-km u jira Xudur.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryahanka madaafiicda ay isu adeegsadeen labada dhinac kuwaasi oo sababay in dad badan ay hurdada ka salalaan, waxaana mararka qaar soo gaaray magaalada rasaas habow ah.

Gudoomiyaha degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay in ay ka guuleysteen kooxihi soo weeraray isaga oo ku faanay in ay ka dileen dagaalyahano fara badan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi, hase yeeshee dagaaladan ayaa ka mid ah kuwa loo yaqaano ku dhifo oo ka dhaqaaq oo ay Shabaabku u badaleen dagaalada ay kala soo horjeedaan ciidamada is garabasanaya kadib marki ay lumiyeen deegaanadi ay horay u maamuli jireen.