Dagaal xalay ka dhacay duleedka koonfureed ee Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka Xeradadi hore ee Asluubta ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo bilowday xalay fiidki isla markaana soo gaaray ku dhawaad kala barki ayaa ka danbeeyey marki ay Al Shabaab weerar ku qaadeen Sarta Maslax iyo Xeradi Asluubta oo u dhaw Ex-koontarool Afgooye halkaas oo ay dhawaan fariisimo ka dhigteen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Madaafiic culus oo ay isu adeegsadeen labada dhinac ayaa sababtay qasaaro kuwaasi oo qaarkood ku dhacday deegaanka Garasbaaleey sida ay wararku sheegayaan hase yeeshee wali lama oga in dad rayid ah ay waxyeelo kasoo gaartay.

Taliyaha ciidanka dowlada ee aaga Ex-koontarool, Axmed Yare ayaa wariyaasha u sheegay saakay in ay dib u riixeen kooxihi soo weeraray isaga oo intaasi ku daray in ay ka dileen tiro uusan cayimin.

Waa weerarki sadexaad oo ay Al Shabaab ku qaadayaan Aaga Ex-koontarool ee ciidamada dowlada tan iyo marki ay AMISOM iyo ciidanka dowlada dageen Maslax, Sarkuusta iyo Xarunta Asluubta.