Dagaal xalay ka dhacay degmada Luuq

Dagaalo ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey ka gadaal marki ay Al Shabaab weerar culus ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowlada ku leeyihiin buundada degamda Luuq.

Dad xog ogaal ah ayaa sheegay in uu jiro qasaaro nafeed oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, hase yeeshee saraakiisha ciidamada dowlada ee ku sugan Luuq ayaa beeniyey inuu qasaaro kasoo gaaray.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamad Al Shabaabka gobolka Gedo oo ku saabsanaa dagaali xalay ka dhacay degmada Luuq.

Xaalada degmada Luuq ayaa saakay xasiloon, dadkana waxay ka sheekeysanayaan weerarki ku dhifoo ka dhaqaaqda ahaa ee xalay Shabaab degmadooda kusoo qaadeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.