Dagaal xalay ka dhacay degmada Kaaraan

Dagaal xoogan ayaa xalay ku dhexmaray degmada Kaaraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Inta la xaqiiyey 3 ruux oo uu mid ahaa qof rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka sida ay sheegeen dadka ku nool xaafada Jamhuuriya oo uu dagaalku ka dhacay.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisinka ciidamada dowlada ay ku leeyihiin xaafada Jamhuuriyada ee degmada Kaaraan.

Xaalada ayaa saakay dagan, waxaana saraakiisha ciidamada dowlada ay ku tilmaameen inuu ahaa weerar ay filayeen isla markaana ay iska difaaceen kooxihi soo weeraray.

Weerarada ku dhifoo ka dhaqaaqda ah ee Al Shabaab ayaa inta badan ka dhaca furumaha hore ee ciidamada dowlada ee duleedyada magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.