Dagaal Xalay ka dhacay degmada Heliwaa

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo ururka Al Shabab ayaa xalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan dad goob joog ah, dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki dagaalyahano ka tirsan Al Shabab ay weerar ku qaadeen fariisimaha ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ku leeyihiin goobaha istaraatiijiga ah ee degmada.

Lama oga qasaaraha kasoo gaaray dagaalka labada dhinac, sidoo kale ma jirin dhib kasoo gaaray dadka rayidka ah oo hada ku yar xaafadaha degmada Hiliwaa.

Dagaalkaasi ayaa qeyb ka ah weeraro ku dhifoo ka dhaqaaq ah oo ay Al Shabaab ku qaadaan furumaha hore ee dagaalka ee deegaanada Kaaraan, Yaaqshiid, iyo Daayniile ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.