Dagaal xalay ka dhacay Baladwene

Dagaal ayaa xalay ka dhacay magaalada Baladweyne kaasi oo u dhaxeeyey ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin xaafada Buundaweyn.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalkaasi oo qadaro daqiiqado ah socday, waxa uu la tagay nolosha laba ka mid ah dhinacyadi dagaalamayey.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay ciidanka dowlada ee ku sugan magaalada Baladweyne, hase yeeshee dagaalkan ayaa qeb ka ah weerarada ku dhifoo ka dhaqaaqda ee ay Shababa ku qaadaan ciidamada dowlada iyo kuwa ajnabiga ah.

Wuxuu imaanayaa xilli dhawaan ay dowlada KMG Soomaaliya u magacawday gobolka Hiiraan maamul cusub oo uu madax ka yahay C/fataax Xasan Afrax.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.