Dagaal xalay ciidamada dowlada iyo Shabab ku dhexmaray duleedka Muqdisho

Dagaal u dhaxeeyey Al Shabaab iyo ciidamada dowlada ayaa xalay ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Sida ay wararku sheegayaan, dagaalka waxa uu yimid marki xalay abaaro 11:00 habeennimo ay dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab weerareen xarunta Asluubta oo ku taala Ex-koontarool halkaas oo ay fariisin ku leeyihiin cidamada dowlada.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dharbaaxo ku dhifteen kooxihi soo weeraray, waxa kale oo uu sheegay in saakay ay howlgalo ka sameeyeen halki uu dagaalka ka dhacay ciidamaduna ay joogaan Sarkuusta.

“Xalay ayey soo weerareen kooxda Shabaab Xerada Asluubta iyo Bangala, marka anaga waan ku baxnay waana iska difaacnay weyna jabeen, saakay ayaan howlgalo ka sameynay waxaana ciidankeenu joogaan hada sarkuus,” ayuu yiri sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Yare.

Waxaa jiro qasaaro ka dhashay dagaalki xalay kadib marki ciidamada dowlada ay duqeeyeen xaafado ka tirsan deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho.

Hal ruux ayaa la sheegay inuu ku dhintay duqeynta halka sidoo kalana ay ku dhaawacmeen shan kale oo ay guryahooda ugu tagtay madaafiicda.

Ciidamada dowlada ee jooga Ex-koontarool ayaa ah ciidamo cudud leh, waana kuwi dilay sanadki hore hogaamiyihi Al Qacida ee Geeska Africa Fazuul Cabdalla Muxamed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.