Dagaal Udhaxeeyey Ciidamada Dawlada iyo kuwa Al-shabaab oo ku Dhexmaray Gobolka Sh/hoose (Warbixin)

Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka nuucyadisa kala duwan waxaana uu ka dhacay deegaanka Buufoow ee gobolka Sh/hoose kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamada dawlada fariisin ay lahaayeen Ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa waxa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa guulo ka kala sheegtay inay kala gaareen dhinacyadii dagaalamay iyadoo midba midka kale uu sheeganayo inay khasaaro ugeysteen.

Sargaal uhadlay Al shabaab ayaa sheegay in weerar barakeysan sida uu yiri ay ku qaadeen magaalada Marka duleedkeeda gaar ahaan halka loo yaqaano Buufoow ay ku dileen 10 Askari oo dawlada katirsanaa dagaalkii xalay halkaasi ka dhacay.

Hadalkaasi ka duwan waxaa saxaafada usheegay mas’uul katirsan dawlada ee gobolka Sh/hoose waxaana uu tibaaxay inay iska caabiyeen weerar al shabaab ku qaadeen fariisin askarta dawlada kula haayeen deegaanka Buufoow.

Wariye kusugan magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose ayaa waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu qaatay muddo saacad iyo bar ah waxaase uu sheegay in xogta ay bixinayaan dadka deegaanka ay tahay in khasaaraha uu ubadan yahay dhinacyadii dagaalamay dhimasho iyo dhaawac badana ay jiraan.

Deegaanka Buufoow ee gobolka Sh/hoose ayaa dhawr jeer waxa ka dhacay dagaalo jilbaha la isku laabtay waxaana lagu soo waramayaa in maamulka dawlada ugu magacaaban gobolkaasi ay ka baqanayaan deegaankaasi oo ah meel keyn ah shabaabkuna ay ku xoogan yihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here