Dagaal u dhexeeya ciidamada Alshabaab iyo Ahlu Sunnah oo ka socda magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud.

Dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee maanta ka bilowday duleedka degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa la sheegay in uu soo gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo ciidamada Ahlu Sunna Waljamaca iyo Xarakada Al Shabaab waxana uu yahay mid la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala gedisan.

Warar laga helayo degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay soo jiireen difaacii u yiil duleedka degmada Dhuusamareeb ciidamada Ahlusunna Waljamaca waxana dagaalka uu ka dhex soconayaa gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Dadweyne faro badan ayaa isaga cararay magaalada iyadoo dadku ay keymaha galeen. Ma aha markii ugu horeysey ee ciidamada Alshabaab iyo Ahlusunna uu dagaal ku dhex maro degmada Dhuusamareeb.

Hase yeeshee dagaalkan ayaa waxa uu ugaga duwan yahay dagaaladii hore in uu dhacay xilli ciidamada Ahlu Sunnah ay ku mashquulsan yihiin dagaalo ka dhacay shalay iyo xalay degmada Cabudwaaq oo ka mid ah degmooyinka ay ururka Ahlusuna maamulaan.