Dagaal u dhaxeeyo ciidanka dowlada iyo Al Shabaab oo hada ka socdo duleedka Ex-koontarool Afgooye

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ee dhawaan la midoobay Al Qaacida ayaa goor dhaweyd ka qarxay inta u dhaxeyso Sarkuusta iyo Dugsiga Agoonta ee Shabelle ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki ciidamo ka tirsan dowlada ay saakay fariisin ka sameysteen agagaarka Dugsiga Shabelle oo ku yaala inta u dhaxeyso Garasbaaleey iyo Isgoyska Ex-koontarool Afgooye.

Saakay ilaa iyo xiligaan oo saacada kusii siqeyso 12:00 duhurnimo ayey ciidamada dowlada joogeen, waxaana ka hor inta uusan dagaalka qarxin ay labada dhinac ahaayeen kuwo isku soo siqaya.

Ma jirin saakay gaadiidki badnaa ee mari jiray wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana baabuurta ay ka wareeganeysay jidka Xoosh ee mara xaafada Kax Shiiqaal, iyaga oo Ceelasha kaga dhaceyey deegaanka Taree Dishe.

Daryanka madaafiicda ayaa laga maqlayaa deegaanada loo barakacay iyo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, walina wuu socdaa dagaalka.

Lama oga qasaaraha ka dhashay, waxaase aad looga cabsi qabaa in madaafiicda ay tuurayaan ciidamada dowlada ay gaarto deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho sida deegaanka Garasbaaleey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.