Dagaal u dhaxeeya Puntland & Shabaab oo furumo cusub ka dilaacay

SUUJ-4Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in maanta uu mar kale dagaal ka dhacay deegaano u dhow deegaanka Garacad ee gobolka Mudug

Dagaalka ayaa maanta ka socda laba furin, sida ay wararku sheegayaan.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in afar askari ay uga dhimatay dhowr iyo labaatanna ay kaga dhaawacantay dagaal ilaa shalay halkaasi ku dhex marayay ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Al-Shabaab ee ay baacsanayaan.

Waxaa sidoo kale jira maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo ciidamada Puntland isu soo dhiibay, laakiin weli ma cadda tirada maleeshiyada looga dilay dagaalka.

Maleeshiyada isa soo dhiibtay ayaa lagu sheegay illaa 29, oo u badan wiil aad u da’ yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here