Dagaal Sh/hoose ku dhexmaray Beeraley iyo Al Shabab

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in tuulada Hantiwadaag oo u dhaw degmada Awdheegle ay ku dagaalameen dad beeraley ah iyo dagaalyahano ka tirsan Al Shabab.

Inta la hubo hal ruux ayaa ku dhintay 5 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki la isku qabsaday dhul beereed halkaasi ku yaalay oo dadka deegaanku sheegeen in si qasab ah loogaga wareejin rabay.

Nabadoon Maxamed Nur Gabow oo ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa sheegay in iska hor imaad dhacday xalay uu kaga dhintay hal ruux sadex kalana ay kaga dhaawacmeen, isaga oo intaasi raaciyey in aysan ogeyn qasaaraha soo gaaray dhinici kasoo horjeeday.

Xaalada deegaankaasi ayaa wali kacsan iyadoo ay goobta ka carareen dhalinyaradi beeraleyda aheyd ee dagaalka la gashay Al Shabaab.

Waxay ka codsadeen odayaasha deegaankaasi in arinta ay soo fara geliso dowlada KMG Soomaaliya, balse deegaanadaasi aysan dowlada wali gaarin oo waxa ay ku egtahay degmada Afgooye.