Dagaal sababay qasaaro oo ka dhacay degmada Dharkeenleey

Inta la hubo sadex ruux ayaa ku dhimatay 2 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib dagaalo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki kooxda Al Shabab ay weerar kusoo qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ku leeyihiin saldhigyada Xoosh iyo Ex-koontarool.

Sadexda ruux ee dhimatay ayaa ahaa dad barakac ah oo degenaa dhismaha Jaamcadi hore ee Gaheyr waxaana dadka dilay madfac habow ah oo ku habsaday.

Saraakiisha ciidanka dowlada ee aagaga Xoosh iyo Ex-koontarool ayaa sheegay in ay iska difaaceen kooxihi weerarka ku qaaday.

Ma jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab, hase ahaatee dagaalkaasi ayaa ka mid ahaa weerarada ay horay u iclaamiyeen Al Shabaab ee ah ku dhifo oo ka dhaqaaqda.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.