Dagaal saakay ka dhacay xaafado ka mid ah magaalada Mudisho

Dagaalo ayaa saakay ka dhacay xaafado ka mid ah degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dagaalada oo u dhaxeeyey ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo dagaalyahanada Al Shababab ayaa ka dhacay xaafadaha ku taxan Warshadaha gaar ahaan laga soo bilaabo Ceymiska ilaa iyo Ex-koontarool Balcad.

Goob joogayaal ayaa sheegay in weerarka oo ay soo qaadeen Al Shabaab uu aaqirki kusoo gaba gaboobay in ay dib isaga laabtaa kooxihi weerarka soo qaaday, iyadoo aanan la ogeyn qasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Dagaaladaan ayaa qeyb ka ah weerarada ku dhifoo ka dhaqaaqda ah ee ay Al Shabaab kusoo qaadaan fariisimaha ciidamada dowlada iyo Amisom ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Wixii warara soo kordho kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.