Dagaal saakay ka dhacay duleedka Buuhoodle

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Buuhoodle ee gobolka Ceyn ayaa sheegaya in saakay uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo maleeshiyada deegaanka.

Dagaalka oo bilowday saakay aroorti hore ka danbeeyey kadib marki maleeshiyada kasoo jeedo Buuhoodle ay weerareen fariisin ay ciidamada Somaliland ku leeyihiin meel 45-km u jirto magaalada.

Afhayeen u hadlay maamulka Khaatumo ayaa sheegay in dagaalka ay ku qabsadeen deegaanki ay joogeen ciidanka Somaliland, isaga oo intaasi ku daray in ay ka furteen hub iyo rasaas.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan dagaalka saakay ka dhacay duleedka Buuhoodle.

Magaalada Buuhoodle ayaa labadi bilood ee lasoo dhaafay waxaa isku hayey maleeshiyo ku abtirsata dadka dega magaalada iyo ciidamada Somaliland oo horay u maamulayey halkaasi balse hada laga saaray.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.