Dagaal saakay ka dhacay Baladweyne

Iska hor imaadaad ayaa saakay ku dhex maray magaalada Baladweyne askar ka wada tirsan ciidanka dowlada KMG Soomaaliya.

Dagaalka ayaa ka danbeeyey marki ay isku qabsadeen ciidanka canshuur laga qaadi rabay baabuur waday bal oo kusii jeeday Suuqa Balka ee magaalada oo ka mid ah kuwa ugu caansan.

Inta la ogyahay laba ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyadi is dagaalay ayaa ku dhintay, hase yeeshee makri danbe ayuu dagaalku istaagay marki ay soo kala dhex galeen ciidamo ka socday maamulka.

Xaalada ayaa haatan dagan, waxaana goobta lagu dagaalay la geeyey ciidamo Itoobiyaan ah iyadoo la sheegayo in ay socdaan wada hadalo uu gudoomiyaha gobolka kula jiro saraakiishi wadatay ciidanka is dagaalay.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa maamula dowlada KMG waxaana ku wada sugan ciidamo isugu jira kuwa dowlada iyo ciidamada Itoobiya.