Dagaal Qasaaro Geystay oo Ka Dhacay Deeganka Garbahaarey Gobolka Gedo

Dagaal kulul oo dhexmarayay Ciidamada Dowlada iyo Al shabaab ayaa ka dhacay Deeganka Garbahareey ee Gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa ka dhashay sida wararka ay sheegayaan kadib markii ay isku dayeen dhaq dhaqaaqa Al shabaab iney gudaha u galaan deegaano katirsan Degmada Garbahareey taasi oo ka dhalatay in la is weydaarsado risaas xooganeyd.

Inkastoo uu san cadeen qasaaraha rasmiga ah hada wararka qaar ayaa sheegaya in labo ruux ay ku dhinteen mana cada qasaaraha soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay.

Waxaa jiro dad rayid ah oo iyaguna ku dhaawacmay kuwaasi oo la soo sheegayo in ay risaas ugu timid guryahooda.

Si kastaba Xaalada ayaa iminka u muuqato mid dagan iyadoo uu wali jiro dhaq dhaqaaqayo ciidan oo ay labada dhinacsameynayaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here