Dagaal qasaara sababay oo Muqdisho ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada

Inta la og yahay labo ruux ayaa ku dhimatay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaad maanta ka dhacay degmada C/casiis kaasoo dhex maray Ilaalada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan iyo Ilaalada gudoomiyaha degmada Wada Jir Yuusuf Cali Indhoole.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacan uu ku yimid markii muran ku saabsan xil ka qaadis lagu sameeyay gudoomiyaha degmada C/casiis, isla markaana gudoomiye kale la magacaabay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo uu wehliyay gudoomiyaha cusub ee uu magacaabay ayaa la sheegay inay tageen xarunta degmada, hase ahaatee ay weerar kala kulmeen ciidamada ilaalada u ahaa gudoomiyihii hore ee degmada.

Ciidamada taabacsan gudoomiyaha xilka laga qaaday ayaa wali ku sugan xarunta degmada, iyagoo ka biya diiday xil kx qaadista lagu sameeyay, taasoo keentay inuu isku dhacan uu ka dhasho.

Laakiin gudoomiyaha gobolka, gudoomiyaha cusub uu magacaabay iyo ciidamadii kale ayaa dib isaga soo laabtay, markii ay ku guuldareysteen qorshihii ay ku doonayeen in xilka lagu wareejiyo gudoomiyaha cusub.

Ciidamo boolis ah ayaa markii dambe gaaray halka isku dhaca uu ka dhacay, waxaana markii dambe xaalada ay ku soo laabatay sidii hore, iyadoo ciidamo ka tirsan Amisom ay goobta gaareen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.