Dagaal qasaara sababay oo ka dhacay Hoosingow

Wararka naga soo gaaraya deegaanka gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay uu dagaal xoogan ku dhexmaray ciidamada Kenya iyo kuwa Al Shabaab deegaanka Hoosingow.

Dagaalka oo in muda ah socday xalay habeen barki ayaa ka danbeeyey marki ay Al Shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ku leeyihiin halkaasi, iyadoo ciidanka Kenya ay adeegsadeen madaafiicda culus.

Ilaa iyo shan ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen halka ku dhawaad 10 kalana ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayaan ilo wareedyo madax banaan oo ku sugan tuulada Hoosingo.

Saraakiil ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya oo ku sugan Jubada Hoose ayaa sheegay in ay dib u riixeen kooxo soo weeraray, iyaga oo intaasi ku daray in ay ka dileen afar ruux sida ay iyaga sheegteen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan dagaalki xalay ka dhacay deegaanka Hoosingo.

Deegaanka Hoosingo oo 160-km u jirto magaada Kismaayo ayaa waxaa todobaadki hore la wareegay ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya.

 
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.