Dagaal qasaara sababay oo ka dhacay Dharkeenley

Sadex ruux ayaa ku geeriyootay 3 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray inta la hubo dagaal galabta ciidamo ka wada tirsan dowlada ku dhexmaray degmada Dharkeenleey.

Dagaalka oo bilowday abaaro 4:00 ayaa qaboobay xiligaan oo saacada Soomaaliya ay tahay 6:00 maqribnimo sida ay inoo sheegeen dad goobjoog ah oo ku sugan degmadaasi.

Halka uu ka dhacay ayaa ah xaafada Suuq Boocle waxaana dadka ku dhintay lagu sheegay rayid, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in sidoo kale ay jiraan qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadi dagaalamay.

Ma cada sababta keentay dagaalka, laakin waxaa loo maleynayaa arrimo la xiriira aano qabiil.

Degmada Dharkeenleey ayaa waxaa maamula maamul hoos yimaada dowlada KMG Soomaaliya, hase yeeshee gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa kala fikir ku duwan xaga danaha siyaasadeed iyo qabyaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here