Dagaal maanta markale ka dhacay gobolka Gedo

 

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay caawinayaan AMISOM iyo Ahlu Sunna wal-Jamaaca iyo maleeshiyada al-Shabaab dhinac ah ayaa maanta ka dhacay deegaanka Birta-dheer oo u dhexeeya degmooyinka Buur-dhuubo iyo Garbahaarrey.
Dagaal maanta markale ka dhacay Gedo

Sida ay lee yihiin saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobalka Gedo, dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM oo dhinac ah iyo All-Shabaab ayaa maanta barqadii markale ka dhacay deegaanka Birta-dheer oo u dhexeeya degmooyinka Buur-dhuubo iyo Garbahaarrey.

Sarkaal u hadlay ciidanka dowladda ee gobolka oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada iskashanaya ay weerar ku qaadeen deegan u dhow Buurdhuubo, isagoo tilmaamay in dagaalka aanu dhankooda wax khasaare ah ka soo gaarin.

Wuxuu sheegay in qorshahooda uu yahay siddii ay u la wareegi lahaayeen degmada Buur-dhuubo po ay hadda ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa carrabka ku dhuftay in howlgalkooda uu ku wajahan yahay dhamaan degmooyinka ay al-Shabaab kaga sugan tahay gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here